Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
Alfanaan Cawaale Yare oo ka hadlay Nin Tanzania u dhashay oo Hees uu leeyahay Qaadaya | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

Alfanaan Cawaale Yare oo ka hadlay Nin Tanzania u dhashay oo Hees uu leeyahay Qaadaya

Fanaan Cawaale ayaa soo dhigay Bartiisa Facebuuga, Muuqaalka ninkan Tanzaniyanka ah oo soo ifbaxay saacado ka hor isagoo goob ka qaadaya hees uu leeyahay Fanaan Cawaale .

Fanaanka waxa uu sheegay in aanay aheyn markiisii ugu horeysay ee uu arko ajaaniib ku luuqeyneysa Heeso uu horay u qaaday, isagoo xusay in uu soo arkay fanaaniin u kala dhashay wadamada Syria iyo Senegal iyo Germany iyo Québec Canada maantana uu arkayo Tanzanian Qaadaya heestiisa Aroos.

Af Somaligu waxa uu u kalabaxaa maay iyo maxaatiri, waxaan inta badan dadku ku hadlaan Maxatiri, taas oo fudeyd u ah sida la sheego ajaaniibta, kuna luuqeyn kara dhinackasta.

Hoos ka daawo sida uu u qornaa Post-ga Facebook ee uu fanaan Cawaale soo dhigay.


Waa nin dhalinyaro ah oo Tanzania u dhashay oo qaadaya Hees ka mid ah heesahayga kuwa uugu caansan.
Syria iyo Senegal iyo Germany iyo Québec Canada dad u dhashey oo qaadaya heeso aan leeyahay waan aragnay, maantana waa Tanzania.
Thanks sxbkeey walaalkeey Wariye Cabdirasaaq Xaaji Catoosh oo video gan ugu soo hor dhigey.
……………
Après la Syrie, le Sénégal, l Allemagne et le Québec du Canada, now il est temps de voir des Tanzaniens savourer une de mes meilleurs mélodies de mon répertoire.
Merci à vous tous et toute.

294 Booqashada dhan 1 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

Related movies