Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
Dad si qaldan u fasiray Dhaarintii Arday ku sugan Magaalada Qardho Puntland | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

Dad si qaldan u fasiray Dhaarintii Arday ku sugan Magaalada Qardho Puntland

Sida aan xogta kuheleyno Baraha bulshada iyo baraha kale ee lagu kulmo waxaa dhex socday maalmihii aynu ka soo gudubnay muuqaal laga duubay xaflad ka dheceysay Magaalada Qardho ee gobolada Puntland taas oo lagu soo gaba gabeynayay Tartan dugsiyadda deegaanadaas loo qabtay.

Dadka qaar ayaa u fasirtay in dhaarinta la dhaarinayo ardaydaas ay tahay in aysan ka bixi karin dugsiga ay dhigtaan iyo in aysan dayicin wax barashadooda iyo waxyaabo kale oo ay dadka qaar soo qorayeen, balse sidaasi ma aheyn xaqiiqada.

Warkasta oo la qoro waxa lo baahan yahay in uu yeesho xaqiiqo ama hubsiimo si aanu u noqon mid been abuur ama fikir duwanaansho, waxaanse maanta soo bandhigeynaa in dhacdadaas ay aheyd mid si kale u dhigneyd.

Ardayda la dhaarinayay waxaa lagu dhaarinayay in ay dhigtaan ama ka mid yihiin dugsiga ay tartanka u galayaan, maadaama ay dhici karto in arday aan aheyn ardayda dugsiga magaca hebel ay la tartamaan dugsi kale oo magac hebel wata isagana.

Sidaasi awgeed waxaa xal ku dhaliyay sidaas gudigii qabanayay tartanka dugsiyada si ah cadaalad ugu tartamaan dugsiyadda sida jirtana waxaaba dhacday in ardayda loogu baaqay in ay dhaartaan ay diideen qaarkood maadaama aysan ka mid aheyn dugsiga magaca tartanka lagalayay dugsiga kale.

167 Booqashada dhan 1 Booqashada maanta



Related movies