Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
Basbaaska Cagaaran oo 8 (sideed) Faaiido u leh Jirkaaga !! | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

Basbaaska Cagaaran oo 8 (sideed) Faaiido u leh Jirkaaga !!

Basbaas cagaarka ama dadka qaarkii u yaqaanaan basbaas Qaji, waxa uu leeyahay faa’iidooyin badan waxaana uu wax ka taraa xanuunno badan. walow dadka gaaska ku kacsan yahay ama qumanka qaba loo sheego inay yarystaan, haddana wuxuu leeyahay 8 faa’iido oo cajiib ah.

  1. Basbaaska cagaaran waxa uu dhisaa difaaca jirka. Waxaa ku jirta maaddo ka hortagta cudurka Kansarka. Waxaa xataa lagu sheega inuu muuqaalka maqaarka ka dhigo dhallinyaro..
  2. Waxaa ku jira Vitamin C, waxaana si gaar ah vitiamins ka laga helo ay ugu fiican yihiin  dadka cabburka qaba, waxa uu furaa sanka iyo neef mareenka. Waxaana uu dhisaa difaaca jirka..
  3. Basbaaska Cagaaran waxaa ka buuxa Vitamin E, oo u fiican maqaarka. Waxa uu jirka ka caawiyaa inuu soo saaro salid jirkaaga dhalaalinaysa.
  4. Waxa uu ka hortagaa qayb kamid ah Kansarka oo ragga kaga dhacda Xaniinyaha.
  5. Waxaa ku jira maaddo isku miisaanta heerka macaanka, waana cunto lagula taliyo dadka sonkorta qaba.
  6. Waxa uu u fiican yahay habka dheefshiidka. Waxay leeyihin diir ama gass u fiican caloosha.
  7. Basbaaska cagaaran waxa uu maskaxda ka caawiyaa inuu kusii daayo maaddo lagu magacaabo Endorphins, oo qofka fakarkiisa iyo guud ahaan xaaladdiisa ka dhigta mid wanaagsan, waxana uu saxaa muudh-ka qofka.
  1. Basbaaska cagaran waxaa lagula taliyaa dadka sigaarka cabba, madaama u la dagaallamo kansarka sambabada, sigaarkana waxaa laga qaadaa kansarka sambabada.
475 Booqashada dhan 2 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related movies