Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
Sheekadii Qalbigii Facebook.com Qaybteedii ( 1aad ) | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

Sheekadii Qalbigii Facebook.com Qaybteedii ( 1aad )

Akhristayaal waxaan idin so gudbin doonaa Sheekadii lamagacbaxday QalbiFacebook.com waxaana Sheekadan Qalinka u qatay Qoraa sicid Mahad Maxamed.

Waqdigu waxuu ahaa xili habeena Jawiga aan xiligaa ku sugnaana waxa uu ahaa mid wanaagsan waxaa dhacaysay neecaw qabaw oo udgoon badan.

Waxaan ka soo baxay xafaday ano ku wajahan mid kamida goobaha ay dhalinyaradu habeen ku caweyan oo ugu jawiga macan.

Mudoo daqiiqada kadib waxaan soo gaaray goobtii aan ku socday,waxaan fariista Maqaxida waxaana goobta ku sugnaa qaybo kamida asxatayda.

Waxaan dalbaday Shah iyo Biyo kadibna waxaan isticmalay Alladda ay bulshadu kuwada xirirto gaar ahaan Facebok.

Si lama filaana ayaa waxaa qaybta Friend request(Codsi Saxiibtinimo) isoo dirsatay gabar soomaaliyed,runtii waxaan baaray Profilkeda balse ma noqon qofaan aqaan waan iska aqbly anoo aqoon.

Waxaan isla markiiba aan helay Fariin qoraaleed waxayna u qorneed sidatan

‘’ Asc wll  kwrn xaladaad Cafimaad’’

Kadib markaan fariintii akhriyay ayaan u diray wacalaykuma salam waa qofma,waxayna iisheegtay inaysa iga ranayn, waxayna idan iiwaydisatay inaan isbarano.

Waxaana ugu jawabay hadalkan:-

 ‘’Laba qofba maalin ayay is bartaan anaguna manta ayan isbaranaynaa waa hadaad dhankaaga ka soo baxaysid’’ ayay igu jawaabta.

Muddo kadib xirirkeeni waa uu dheraaday waxaana noqonay laba qof oo isku xeel dher iyag oo aan is aragna kalsooni buxda isku qaba.

Xiriirkeenii saxaiibtinimo waxa uu isku bedelaya mid jacayl, kaas oo aan u bixinay Jacaylkii Qalbiga waxan is jeclanay anaga oo aan is arag tasina waxay asxbatayda ku noqotay layaab waxayna igu dheheen side ku jeclatay qofaadan arag oo aqoon saa,ida aydiin isku lahayn.

Waxaan u sheegay in jacaylku uu araga ka bilowda qalbiga uu ku dhamaado, balse ani jacaylkayga uu ka bilawdo qalbiga kuna dhamaado araga.

Runtii waxaan ka codsaday inay sawir iso dirto madaama uu jacaylkeenu uu noqday mid qoto dheer kalsoonina ay ku dheehantahay.

Ramlo waxay ku nooled Gobolka Sool ee Puntland halka  xiligaas Salmaan uu ku  sugnaa Gobolka Barri.

Ramlo waxay u sheegtay salmaan in aysan sawir u direen maalinta ay wada kulmaana ay kawada hadlaan arooskooda inta ka horaysa salmaan uu isku diyaariyo qaban qaabada arooska.

Hadalka Ramlo waxa uu  amakaag iyo Fajac ku noqdayday Salmaan balse kasoonida uu ku qabo Jacaylkiisa ayaa keentay in uu ka ogolaado.

Waxay u shegtay in ay ku kalsoontahay oo aysan diideen nolol walba oo uu ku noolyahay salman.

Maxa yeelay salmaan waxa uu Ramlo u sheegay noloshiisa iyo nolosha reerkooda sida ay u noolyihiin taasna waxay sababtay in Jacaylka labadan lamaneene uu Noqdo mid dhaba.

Maalmo kadib waxay Salmaan iyo Ramlo kuwada balameen in ay kuwada kulmaan guriga Ramlo maadama qoyska Ramlo ay la socdeen xiriirka labadan lamaane.

Xiligii Balanta ayaa waxaa dhacday in Ramlo ay wacdo lamaanaheeda Salman una u sheegto………..

Lasoco Qaybta 2aad ee shakada.

W/Q:-Siciid Mahad Maxamed Siciid Amoore

Email:-Saidmahad10@gmail.com

Bosaso Puntland Somalia 

345 Booqashada dhan 1 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related movies