Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
SHEEKADII QALBIGII FACEBOOK.COM QAYBTEEDII ( 2AAD ) | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

SHEEKADII QALBIGII FACEBOOK.COM QAYBTEEDII ( 2AAD )

Akhristayaal Qaybti kowad ee sheekadeena waxay inoo joogtay in Ramlo ay wacday lamaanaheeda Salmaan ayna usheegtay……

Hadaba Ramlo Markii ay wacday lamaanaheeda salmaan waxay u sheegtay inaysan wada kulmi doonin arimo dhanka Qoyskaa oo  soo wajahay awgeed.

Salmaan waa uu ka aqblay balse waxa uu usheegay in asbuuca dambe uu imaanayo Gobolka ay ku nooshahay Ramolo ee Gobolka Sool.

Ramlo waxay salmaan u sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in lamaanaheedu uu yimaado gobolka ay ku nooshahay.

Waalidiinta  Salmaan Dhalay waxay u doonen Gabar waxayna rabaan in arooskoodu uu dhaco uuna ladadab galo Gabadha ay waalidintiisu ay doonayaan.

Markii salmaan uu maqlay go,aanka waalidiintiis aad buu u naxay qalbigiisana waxaa soo wajahay Murugo hor leh.

Go,ankii Waalidkay

Go,doomiyay Caashaqaygiyo

Gaf inaan galiyiyo

Gadal inaan u baxo

Go,aan aan qaatiyo

Ramlo waa inaan Gaarsiya

Googa Caashaqa u koo wajahan

Ramlo waa inaan gaarsiiya

Hadaladaas iyo Hadala kaloo badan ayaa waxay ka soo yeereen Salmaan waxaan maqashay Gabar walaashii ah oo aan saas uga fogayn qolka uu ku jiro salmaan.

Isla markiiba waa ay soo oroday waxayna soo gshay qolka walalkeed uu ku jiro waxayna waydiisay siday wax u jiraan.

Salmaan iyo walaashii waxay ahaayeen dad sir walba isku shega waxa uuna u sheegay xiriirka jacayka ee ka dhaxeeyey isaga iyo Ramlo.

Waxay walashii u sheegtay in ay arintaas wax ka qabanayso waalidkana ay u sheegayso xiriirka ka dhaxeeya labadan lamaane.

Salmaan aadbu ugu farxay hadalka ka soo yeeray walaashii qalbigiisana waxa uu dareemay farxad balse farxadaas ma,ahayn mid dhamaystiran maadaama aysan Ramlo arintan aysan la socon.

Salmaan waxa uu wacay Ramlo waxa una usheegay siday wax u dhaceen iyo waxa dhex maray isaga iyo walaashiis.

Ramlo waxay ka codsatay Salmaan ina uu Barto walaashiis si ay had iyo jeer ula socoto xiriirkooda.

Salmaan waxa uu u yeeray walashii oo aan saas uga fogayn waxa uuna u sheegay in uu Barayo Jacaylkiisa lamanihiisa Ramlo.

Saabiriin oo ah Salmaan walashii iyo Ramlo waa ay  isbarteen wax walba oo ku soo wajaha jacaylkooda waxay u sheegtay inay ka hortagi doonto inta ay awodo.

Maalmo ayaa waxay ka soo wareegatay marki ay is barteen Ramlo iyo Saabirin,waalidka salmaan waxay rabaan inay wiilkooda ku daran gabar kale.

halka waalidka Ramlo ay dhankooda rabaan inay Salmaan iyo Ramlo isku daraan arintu waxay maraysa meel xun lamanahan noloshooda waxaa soo wajahday Caqabado hor leh waxayna rabaan inay ka hortagaan.

Salmaan waxa uu waalidkiis u sheegay in uu u safraayo Gobolka Sool uuna haalkaas ugu tagayo wiil ay saxibo yihiin oo loo sheegay in uu halkaas ku xanuusanyahay una baahanyahay wehel.

Waalidkii Salmaan waa ay ka aqbaleen in uu safro dhanka kale waxaa uu salmaan waalidkiis u sheegay in uu rabo in uu guursado marka uu shaqayto uuna gaaro xili uu is dabiri karo iskuna filnaan karo

Taasna waa ay ka aqbleen waalidkiis balse Aabaha salmaan dhalay ma,oga in salmaan uu jecelyahay Gabadh layiraahdo Ramlo oo ku nool gobolka uu u safrayo.

Safar dheer oo saacado qaatay salmaan waxa uu soogaaray  gobolka Sool waxa uuna isla markiiba abaaray Guriga uu ku noola saaxiibkiis.

Sido kale waxa uu Ramlo u sheegay in uu yimid Gobolka ay ku nooleed Lamaanahiisa, aad ayay ugu faraxday Ramlo in lamanahedii uu ugu yimaado Gobolka Sool.

Waxayna u soo dirtay Farin Qoraaleed waxayna u qorned Sidatan

Anigoo Gayaankaa

Dhabta aynigaagaba

Awgaa awgaa Ugees maray

Ogaw Kalkacaykii

Ogaw wadnahaygii gaaray

Ogaw uunkaa igubayee

Galkacaylkeenii yuun lumi

Runtii Fariintaas markuu arkay oo uu akhriyay waxa uu Ramlo dhankiisa u soo diray Farin Qoraaleed Jawab ah waxayna u Qorneed Sida Tan………..

La Soco Qaybta Sadexaad ee Sheekadda

Qoraga Sheekadda Siciid Mahad Maxamed

Gmail:-Saidmahad10@gmail.com

Bosaso Puntland Somalia

370 Booqashada dhan 1 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related movies