Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
SHEEKADII QALBIGII FACEBOOK.COM QAYBTEEDII ( 3AAD ) | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

SHEEKADII QALBIGII FACEBOOK.COM QAYBTEEDII ( 3AAD )

Akhriste Qaybtii Labaad ee sheekadeena waxay inoo joogtay in Ramlo ay fariiin qoraaleed usoo dirtay Salmaan.

Runtii Fariintaas markuu arkay oo uu akhriyay waxa uu Ramlo dhankiisa u soo diray Farin Qoraaleed Jawab ah waxayna u Qorneed Sida Tan………..

Hadalkisa Salmaan waxa uu ku bilaabay ereyadan Macaan oo soo jiitay Lamaanihiisa Ramlo.

Simanay Aduunyada

Intuu Saadir  Uu May

Saacadii Dhamaatiyo

Sikinki Bilawdaba

Soomaaliyoo Idil

Adaan Ka Dhex soocdoo

Kaala Soo dhex Baxoo

Sambabada Dhexdoodiyo

Adaa Wadnaha Dhex Sabaynayee

Miyaan  Dumar kula Simi Karaa

Runti ereyadaasi waxay soo jiiteen Qalbiga Ramlo,Habeenkii oo dhan waxay labadan lamaane midba dhankisa ku celcelinaayay ereyadan macan ee midba midka kale uu u soo diray.

Maalintu uma dhamaato  labadan lamaane umana dhalato ilaa waa iyagoo wada hadla oo midba midka kale cafimaadkiisa uu ogaado.

Maalmo kadib Ramlo waxaa soo foodsaartay arin qalbigeeda taabtay taaas oo ahayd in wiil ay ilma adeeryihiin uu usoo bandhigto inuu guursado mustaqbalna uu lawadaago.

Ramlo kama laba labeen inay ka aamusto walaalkeed waxayna u sheegtay runta inay jeceshahay wiil layiraahdo Salmaan oo ay ku heshiiyeen in ay is aroostaan.

Khalid waa ka ogoladay waana ku qancay jawaabta walaashii waxa uuna u sheegay in mar walba uu garab taaganyahay wax walba oo ay u baahatana uu siinayao.

Salmaan waxa uu gobolka joogay mudo asbuuc ah mudadaasna ismayn arag lamaanihiisa Ramlo maxaa yeelay arimo soo wajahay qoyska Ramlo.

Salmaan iyo saxiibkiis waxay ka soo wada baxeen xaafadda iyagoo ku wajahan mid kamida maqaaxiyaasha laga qaxmweeyo.

Mudadii ay jidka ku soo wada jireen waxay wadada ku arkeen gabar aad u qurux badan xishood leh, Salmaan waxa uu niyadda iska yiri Ramlo haday tahay gabadh oo kale waxay ii ahaan lahayd farxad.

Markii ay Salmaan iyo saxiibkiis ay gaareen maqaaxidii ay u socdeen oo ay fariisten ayaa Salmaan waxa uu saxiibkiis uga waramay xiriirkii ka dhaxeeyeey isaga iyo Ramlo.

Runtiis aad ayuu ulayabay waxa uuna Salmaan ku yiri saxiib waad helaysaa garabna waan kugu siinayaan sidaad u heli lahayd lamaanihiisa.

Salmaan waxaa uu wacay Ramlo waxa uuna u sheegay in u rabo inay wada kulmaan maadaaba.

Ramlo waa ay ka aqbashay waxayna u sheegtay ina ay kuwada kulmaan gurigooda.

Xiligii balanta markii lagaarayb ayay Ramlo waxay wacday lamaanaheeda Salman una sheegtay in uu guriga yimaado.

Markii uu guriga soo galay uuna arkay Ramlo ayuu yaabay indhahana taagay markaasuu yir……..

Lasoco Qaybta 4aad

W/Q:-Siciid Mahad Maxamed

Gmail:-saidmahad10@gmail.com

Bosaso Puntland Somalia

298 Booqashada dhan 1 Booqashada maanta



Related movies