Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
SHEEKADII QALBIGII FACEBOOK.COM QAYBTEEDII ( 4AAD ) | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

SHEEKADII QALBIGII FACEBOOK.COM QAYBTEEDII ( 4AAD )

Akhristayaal qaybtii 3aad intiini la socotay waxay inoo joogtay in Salmaan uu yimi guriga lamaanihiisa Ramlo, Markii uu guriga soo galay uuna arkay Ramlo ayuu yaabay indhahana taagay markaasuu yir……..

Hadab hadalka uu Salmaan Ramlo ku yiri ayaa ahaa, Ramlo ma,adigana markay isku sheegtay ayuu u sheegay in maalin iyada oo waddo marayso uu arkay.

Sheeko dheer oo ay yeesheen labadan lamaane ayaa waxay ku heshiiyeen in ay is aroosaan.

Waalidka Ramlo waxay salmaan usheegeen in waalidkiis uu uyeero si ay udhameeyaan arooskooda.

Salmaan waxa uu wacay hooyadii waxa una usheegay in uu rabo in uu aroosto isla markaana gabadhii ay heshiiyeen waalidkiina larabo.

Aad bay u faraxday Hooyo Barni waxayna arintii u sheegtay Salmaan aabihiin, wuxuu hadal rogrogaba ugu dambayntii aqbalay hadal ku soo dhamee.

Salmaan markii u jawaabta waalidkiis uu maqlay ayuu aad u farxay isla markiiba waxa u wacay Ramlo wuxuna usheegay in waalidkiis ay ogolaadeen una soo socdan guriga Ramlo.

Maalmo kadib Salmaan waalidintii waxay so gaareen Gobolkii ay ku noolaayeen Qoyska Ramlo.

Nasasho dheer kadib Waalidiinta Salmaan waxay soo abaaren guriga Ramlo waxayna lakulmeen waalidiinteedii, qoladii guurtida hadalkii gudbiye, reerk gabadhana aqbale hadal ku soo dhameeye.

Salmaan iyo Ramlo halkasay ku noqdeen Lamaanayaan is calmaday oo noqday kuwa reer wada yagleela.

Dhoor maalmood kadib waxaa dhacay arooskii lamanayaashii iska bartay Faceboogga.

Asxbatii Salmaan aadbay ula yaabeen Jacaylka Lamaanayaasha marna isma lahayn Salmaan iyo Ramlo,oo ahaa laba labaane kuwaasoon waligod is arag in maalintoodii kowaad ay is aroosana kana hesheeyaan mustaqbalkoda.

Jacaylka la sheegaa ma,aha kan araga kowaad ama wajiga qofka, balse Jacayku waa kan qalbiga mana aha in qofkaad jeclaanayso aad ku jeclaato qurux ama lacag.

Balse waa inaad ku jeclaataa Dabeecadiisa iyo diintiisa Maxaa yelay labadan marna ma dhamaadaan.

Inkasto jacayka Ramlo iyo Salmaan uu noqday mid dhamaan dadkii ku noolaa labadaas gobol ay layaabeen.

Waxaas oo dhan waxaa ka sii yaab badnaa markii salmaan walaashii u sheegtay waalidkeed wixii salmaan iyo Ramlo dhex maray iyo siday isku jeclaadeen.

Laba asbuuc kadib Salmaan waxaa soo wacay Maamulaha Bank ku yaala Gobolkii uu ku noolaa waxa uuna usheegay  in uu shaqo u hayo bishiina ku shaqayn dona 600$.

Aadbu u farxay waxa uuna arintii u sheegay Xaskiisa Ramlo iyo Waalidkiis sidaas ayuna reerkiisa u dhaqday Salmaan.

Dhamaad

W/Q:- Siciid Mahad Maxmed

Bosaso Barri Puntland

Gmail:- Saidmahad10@gmail..com

428 Booqashada dhan 1 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related movies