Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
Daawo Mucjiso:-Tufaax Darajo oo ka Baxday Fanka,ka dib Markii Ay Mucjiso Aragtay. | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

Daawo Mucjiso:-Tufaax Darajo oo ka Baxday Fanka,ka dib Markii Ay Mucjiso Aragtay.

“Waa la ila hadlayaa Marka Aan soconayo,waxaa la ileeyahay Istaag,halkaas ayaad ku dhimanaysaa,waan naxayaa Awoodaa ayaa iga tagaysa,Wadnuhuna waa iga garaacmayaa”Ayay hadalkeeda ku bilowday iyada oo la hadlaysay Koox ay Facebook saaxiib ka yihiin.

Hadalkeeda waa sii wadatay oo waxay tiri”…Arrintan bil ka hor ayay igu dhacday,ka dib waan iska dhega tiray,bishan lagu jiro ayay Mar kale igu dhacday,waxaa intaas ii dheer cabsi iyo anniga oo habeenkii ku riyooda,iyadoo ay Masas i cunayaan”.

Tufaax ayaa sheegtay inay go’aansatay inay Fanka ka baxdo,ka dib markii ay Culumada diinta la tashatay,waxay codsatay in loo duceeyo,isla markaana aan la daawan Muuqaalada Heesihii ay horay u duubtay.

“Walaalayaal Lix Heesood ayaan hal Mar Xifdiyi jilay,waligay Laxan la iguma Celin,waxaan idin ka codsanayaa innaad iigu ducaysaan in EEBE Qur’aanka i xifdisiiyo”Ayay tiri.

Hannuunka EEBE ayaa bixiya,runtii Tufaax waxay Aragtay Dhacdo ku Cibro qaadasho mudan.

EEBE Khaatumadeena khayr haku khatimo,Fannaaniinta kale ee Soomaaliyeed ALLA haso hannuuniyo,haddii hannuun u qoran yahay.

 

1039 Booqashada dhan 1 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

25 Comments

Related movies