Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
Maxaa Xabsiga loogu hayaa Abwaan Gama’diid.? | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

Maxaa Xabsiga loogu hayaa Abwaan Gama’diid.?

Abwaan C/waaxid Cali Gamadiid wuxu kamid yahay Abwaanada somaliyeed kuwooda ugu magaca dheer, Wuxu dhowr mar xoriyadiisa ku waayey Gabayo uu wax ugu bidhaaminayey dadkiisa!

Abwaanku wuxu horay Loogu xiray Puntland, Haatana wuxu weli Xabsi ugu jiraa Somaliland isagoo lagu eedaynayo gabaygii uu ka tiriyey dhacdadii France. (Maxaad Muslimiin ugu Hiilineysaa?)

Ma joogo dal gaalo, ma ihi faransiis, ku darsoo dadka ixiray cid ku amartay ma jirto in lay xidho, waxay igu doonanayaan waji. Maxkamad layma gayn imana geynayaan.

sharci ay igu xukumaan oo aan jebiyay ma jirto, mana garanayaan waxaan ahaa muwaadin fikirkiisa gabay ku cabiray, cid maan dilin qof muwaadin ah waxba uma geysan cid wax haloo geysto ma lihi muslin iyo gaalba laakiin xaqdarada dulmiga gardarada cidna haka yeelina uun baan idhi, Fadlan ii Hiiliya

#AbwaanCwaaxidGamadiid.

Fadlan ugu yaraan codkaaga ugu Hiili Abwaanka, Hadaadan waxba qaban karin Fariintiisa Meel fog gaarsii, intaas baan abaal kaaga haynaa,
#XornimoAbwaanGamadiid.

357 Booqashada dhan 1 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

12 Comments

Related movies