Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
SHEEKO CAJIIB :- XAASAS FEDERAAL AH | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

SHEEKO CAJIIB :- XAASAS FEDERAAL AH

Nin deggan Muqdisho oo afar xaas leh ayey la soo deris mushkilad dhanka qoysaskiisa ah, kaddib markii ay xaasaskii isku buuqeen, gartoodiina la xallin waayey.
markii ay arrintii daba dheeraatay, oo xitaa ay saameysay carruurtiisii ayuu la tashaday gabar ka mid ah gabdhihiisa oo ku tuhmayey in ay caqli u saaxiib tahay. Gabadhii waxaa uu weydiiyey maandhaay dhibkan waa uu soo laalaabtaye sideen ku xalliyaa ila tali.
Gabadhii waxaa ay aabaheed weydiisay: Aabe diyaar ma u tahay haddii aan talo ku siiyo in aad fuliso.
Aabihii waxaa uu ku jawaabay: haa waan fulinaayaa.
Gabadhii waxaa ay aabaheed ku tiri: Aabe qoysaskan mushkiladooda ma dhamaaneyso illaa aad ka dhigto Federaal.
Odeygii oo markii horeba fikirka Federaal aad uga soo horjeeday ayaa la yaabay waxa ay gabadhiisa ku hadleyso. Kaddibna waxaa uu weydiiyey oo sideen reerka Federaal uga dhigaa. Gabadhii waxaa ay aabaheed ugu jawaabtay, Xaas walba madax uga dhig qoyskeeda, awoodaha qoyska ee adiga uun kugu uruursan xaasaska kala sii, iyaga reeraha ma maamushaan oo madax haka noqdaan, adigana odey uun u noqo oo baddooda kale ha gelin.


Odeygii oo yaaban ayaa yiri: maandhaay reero aan aniga oo kaligey taliya xukumi waayey baad i leedahay naagaha ha xukumaane xukunka qoyska u daa. Gabadhii waxaa ay aabaheed ku qancisay in sidaas uu xalka ku jiro.


Odeyga reerihiisa afar guri oo isu dhaw ayey degan yihiin, isaga oo dan u arkay taladii gabadhiisa ayuu reerihii isugu yeeray gurigii min weynta, wuxuuna u sheegay in maanta laga bilaabo ay qoysaska yihiin Federaal oo qoys walba uu maamulkiisa u madax banaan yahay, hooyada reerkana ay madax ka tahay.
Naagihii oo dhami waa alalaaseen, isagiina farxaddooda ayuu la yaabay.
Labo maalmood kaddib, xilli aroor ah, odeyga oo jooga guri ka mid ah guryihiisa ayaa loo soo diray gabar yar oo uu dhalay, taas oo ay hooyadeed wax uga soo dirsatay in ay aabaha uga soo qaaddo.

Markii ay albaabkii soo garaacday oo laga furay ayey xaaskii laheyd guriga uu odeyga joogay gabadhii canaanatay oo eriday, kaddibna waxaa ay ku tiri, waryaa Federaal ayaa la noqday, aabahaa gurigiina ku sug, maxaad halkan ka soo dooneysaa. Gabadhii yareyd markii ay hooyadeed u tagtay waxaa ay ku tiri, aabe waxaa uu joogaa xaduudeena meel ka baxsan, ee inta uu isaga halkan ka yimaado looma tagi karo, waayo qoysaska Federaal soo lagama dhigin.
ALLOW wixii dembi ah naga dhaaf. Dadkeenana Xal federaal dhaama u keen.

W/Q Abuukar Albadri

6629 Booqashada dhan 2 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 Comments

Related movies