Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan
Qeynti 1 aad Jacelkii qabyaalada daboolay Qiso jacel oo xanuun badan | Qalbiga furan ayuu ka yimaadaa Wajiga furan

Qeynti 1 aad Jacelkii qabyaalada daboolay Qiso jacel oo xanuun badan

QEYBTAB1AAD
Waa qiso xanuun badan oo
saameynteedu badantahay waxaana si aada looga dareemi karaa sida lamaanahan usaameysay

Jaceelkii fadhigiisu noqoday muqdisho
Waa hal ku dhiga qisadaan

Hadaba kuso dhawaada qeybteedi 1 aad

Murugada iyo uurkutaalada waa saameeynta lamaanayaashu kala kulmaan xiriirada kala duwan ee eysameeyaan Liibaan iyo Ladan waa lamaane isku samray

Jaceylka ku dhisan samirka waa kan kaliya ee guul lagu gaari karo guushiisuna badantahay qisada lamaanahaab ayaana jaceylkooda biloowgiisu ka biloowday magaalada muqdisho waxaana uu ugu dambeyn ku dhamaan doona isla magaalada muqdisho

2 Dec 2011ayeey labadooduba si wada jira ku dhameyeen waxbarashada dugsiga sare waxaana xiligaas qof walbo uu doonayay inuu dibada u aado wax barashada heerka jaamacada waxaana xiligaas dalka ka jirtay xaalad nolol xumo tii ugu darneyd oo labadoodu usaamixi karin in ey wada baxaan mar qura

Jiljileeca jaceelka iyo u jilicsanaantiisa ayaa qof walbo oo lagu xanto inuu yahay qof ad adag ka dhigta mid durbadiisa jilcay Liibaan oo aan waligiis ooyin yaa mar qura indhihiisu soo fuushay iliomo jaceyl iyo ooyin uurku taalo u muuqatay kadib marki ey gacalisadiisa u sheegtay in uu uso baxay safar dalka dibadiisa ah oo ey ku tageysay magaalada mombasa ee dalka kenya

Waxaaba uu mar walba xusuustaa ereyo diiran laakin asi u daran oo damqasho jaceyl ah waxana ey u dhaceysaa sidan

((Mcne waxaan usocdaa kenya waxaana iiso baxay safar deg deg ah axada ayaana diyaarad ku qoronahay waan ogahay xiriirkeenu waxa uu ku biloowday jacel hadana wuu ku soconayaa si walboo xaalku yahay anigu waan baxayaa ee ii ogoloow inaan baxo

Jawaab((daa inkii ku uumaa kugu deeqay quruxdee ma anaa ku amri kara

alalaas jaceyl iyo oyin ayaa mar qura bilaabatay ladan oo ka xun safarka lagama maarmaanka ah ee uso baxay ayaa mar ilmeynaysay marna fakareysay

Jaceylku macaana calafkuse qoranaa waa wax aan laga maarmi karin oo nolosha udub dhexaad u ah

Intaas waxaa sii dheeraa
Hooyo axado oo ah Ladan hooyadeey waxa ey ogeyd in gabadhedu ey jeceshahay Liibaan waxeyna markii iskuulku dhamaaday si dag dag ah uso jartay tikid kii bixitaanka ee magaalada mombasa

Naceybka ka dhaxeyay labada qoys ayaa waxaa uu ahaa mid aad u xumaa waxaana arintu gaartay in xitaa dhiig leyska gudsado oo dagaal dhexmaro

Xiriirka lamaanaha ee Liibaan iyo Ladan waxa uu sii galay mugdi iyo god qashin Liibaan waxaa uuba xitaa ku fakaray in uu iska dhaafo xiriirka jacey ee uu la wadaago Ladan hasa ahaatee wax walbo ayaa ku yimid in labadooda midba midka kale uu ka fakaro taaso sabab u aheyd in xiriirkaan uu noqdo mid sii dhisma oo aan dhamad laheyn

Labo maalin kamaso wareegan markii Ladan uso sheegtay in ey baxayso

Nasiib wanaag Liibaan ayaa waxaa uu helay safar waxbarasho ah oo dalka masar ahaa waxaana uu aad u jeclaa ku hadalka luuqada carabiga oo niyadsamida safarkiisa sii waday

26 Dec waxaa aadan cade soo caga dhigatay diyaaradii qaadi laheyd Liibaan
murugadii ayaaba u weecatay dhinaca Ladan oo is laheyd sidee baad uga tageysaa gacaliyahaaga

Waa xili cir gaduud ah saacaduna tahay 6:30 pm habeenimo Liibaan oi laga dareemayo inuu usocdo guriga gacalisadiisa ayaa dhalooyin cadar ah isku jabiyay
7:12 daqiiqo waxaa biloowday wada hadalkii u dhaxeyay labada lamaane waxaa si aada isu badalay jismigii labada lamaane oo jaceyl dartii u qormay indhahoodana lamoodaa in Anemia ki dhacday

Liiban ((Wali waxaad ku fakaryso ma fahamsani ee maad iisheegtid mise kaligiis cunaa tahay iisheeg nooh mcnto aan kula qeybsadee ))

(( oh ruuxaan wax ogeen allow ha caaabin aboowe sidaas maahan ee waxaan ka fakarayaa sida noloshaadu noqon doonto hadaan kaa fogaado))

Mar qura ayaa labadoodu midba midka kale ku dul ooyay qof walbo ayaana dhadhamiyay macaanka jaceylku leyahay

Waxaana qof walbo uu ku dooday eedana uu isku saaray in uu isagu gar daranaa
waa jaceyl faaidadiisu badantahay hasae ahaaye murugo ku bilowday waxeyse dad badan oo qosadan lasocda ey donayan in ey ogaadaan dhaamadka qisada

Lasoco qeybta 2 aad

WQ/ cabdullahi maxamed cumar Daacad

388 Booqashada dhan 9 Booqashada maanta



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related movies